Dagaalo faraha looga gubtay ayaa ka soconaya deegaano ka tirsan Jubooyinka, iyadoo dagaaladan ay dhowr jeer la isku noq noqsaday, kaasoo ay guulo ka kala sheegteen dhinacyada iska soo horjeeda.
Sida ay wararku sheegayaan dagaaladan oo ah kuwii ugu cuslaa ayaa waxay soo gaareen ilaa fiidnimadii caawa, kadib markii uu galabta uu soo bilowday.
War la soo dhigay Bogga Twitter Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka Kenya ay ku gubeen, 15-askari ay ka dileen iyo labaatameeyo dhaawac ah.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay Barta kulanka Bulshada ee Twitter-ka in la soo riday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka ay leeyihiin Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.
Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaal kale oo ay ku qaadeen Afmadow ay kula wareegeen, markii ay u daba mareen Ciidamadii huwanta ee duulaanka ku ahaa Kismaayo, inkastoo aan si rasmi loo xaqiijin karin warkaas.
Afhayeenka Milateriga Kenya Emannuel Chirchir ayaa u sheegay VOA-da inay been abuur tahay in diyaarad laga soo riday,k isagoo meesha ka saaray in qasaare baaxad leh ka soo gaaray Ciidamadiisa.
Dagaalka ayaa markii hore ka dhacay deegaanka Miidu, markii Ciidamada huwanta oo ka ruuqaansaday Afmadow ay dagaal adag kula galeen deegaankaas Xoogaga Al-Shabaab oo dagaal kulul kala hortagay.
Idaacada ku hadasha afka Shabaab ee Andulus ayaa tabisay in dagaalka uu ahaa mid ka mid ah kii ugu cuslaa ee Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda kula galaan Jubooyinka, iyadoo dhinacyada dagaalamayay ay isku dhex milmeen markii uu dagaalada aad u qaraaraaday.
Waxaa aad u adag warar madax banaan oo ku aadan dagaalada iyo qasaaraha ay geysteen, inkastoo dagaalka ahaa mid qaatay saacado badan, hadana waxaa Isgaarsiinta ayaan meelaha qaar aysan saamaxeyn hawada oo aad u xun.