Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha oo lagu kala saari doono shuruudo Gudiga doorashada soo gudbinayo

Saturday, September 1, 20120 comments

Gudiga doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay ku dhawaaqay xilliga ay dhaceyso doorashada ayaa sheegay in maanta la soo gudbinayo shuruudaha laga rabo musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha.

Afhayeenka Gudiga doorashada Cismaan Libaax ayaa sheegay in shuruudaha ay noqon doonaan mid musharax kasta la saari doono, waxaana ka mid ah qidmad lacageed uu bixinayo, waraaqda codsiga oo ku lifaaqan taariikh nololeedkiisa.


Araaji qabashada ayaa bilaaban doonta 3-da bishan oo ku beegan maalinta isniinta, iyadoo ku eg 6-da bishan, waxaana 10-ka bishan ay tahay maalinta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada Soomaaliya.


Sidoo kale waxaa shuruudaha laga rabo ayaa waxaa ka mid ah in da'diisa tahay 40-sano, Muwaadin Soomaali yahay, aqoon iyo waayo aragnimo leh, dhimirkiisa dhan yahay, iyo inuusan wax dambi ah ka gelin oo ay Maxkamad xukuntay.


Warar soo baxaya ayaa sheegaya in musharaxa Madaxweynaha laga doonayo lacag u dhaxeysay 5,000 ilaa 10,000 oo doolarka Mareykanka, sidoo kale laga doonayo in 20-xildhibaan ay u saxiixeen inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha.


Shuruudahan ayaa ahaa mid la hadal hayay maalmihii u dambeeyay, inkastoo aanu Gudiga ku dhawaaqin, hase yeeshee maanta la filayo inuu shaaciyo, waxaana looga gol leeyahay in lagu kala saaro musharaxiinta faraha badan.


In ka badan 20-musharax ayaa u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo musharaxiinta uu ka mid yahay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Shariif Sheekh Axmed.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog