Xasan Daahir Aweys’’ Labadaba waa Eeyo ,Eey meeshii uu ka kacay oo eey kale fadhiistay ayey noola mid tahay’’

Wednesday, August 22, 20120 comments

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Hogaamiye katirsan Kooxda Al-Shabaab kuna sugan Gobolka Sh/Hoose oo wareysi gaar ah siiyay mid kamid ah Idaacadaha ku hadla Afka Xarakada Al-Shabaab ayaa kaga hadlay aragtidiisa ku adaan isbadalka dalka ka dhacaya.

Hogaamiye Sheekh Xasan Daahir waxa uu sheegay in ay ka warhayaan isbadalada la sheegayo in ay dalka ka dhacayaan il gaar ahna ku hayaan, waxa uuna u digay dadka doonaya in ay kamid Noqdaan Dowlada Cusub ee Soomaaliya.



Waxa uu intaa ku daray Sheekh Xasan Daahir in Baarlamaaaka hada la dhisay iyo kuwii hore ee Dowlada KMG uusan waxba isdhaamin isku midna ula dhaqmi doonaan labadaba.


‘’Baarlamaankii hore iyo kuwa hada la dhaariyay waa Eey isku mid ah ,Eey meeshii uu ka kacay oo eey kale fadhiistay ayey noola mid tahay waxna nooma kala badalna si isku mid ah ayaana ula dagaalami doonaa’’ ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

Waxa uu Sheekh Xasan Daahir uga digaya dadka hada u hanqal taagaya in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub iyo kuwa Doonaya in Wasiiro Noqdaan iyo Musharixiinta in ay ka tanaasulaan arintaasi hadii kale ay tilaabo ak qaadi doonaan.

Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay in Dowlada ay ka taliyaan rag Ajaaniib ah oo dalka xoog ku heesta gaar ahaan Mahiga uu sheegay in sida uu rabo ka yeelo Raga Dowlada ugu magacaaban kuu rabana uu u diidayo kuu rabana uu wato awoodana ay gacantiisa ku jirto sida uu sheegay Sheekh Xasan.


Hadalka Hogaamiyah aan Xilkiisa cadeyn ee Al-Shabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa kusoo aadaya xili dalka uu ka baxay KMG lana filayo in dhawaan la doorto Gudoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne si ay majaraha ugu qabtaan Dowlada Soomaaliya.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog