Munaasabad maanta ka dhacday Hotelka Naasahablood II ee magaalada Muqdisho ayaa Ganacsade C/qaadir Cali Cosoble oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka waxaa uu uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.
Munaasabadan oo ay ka qeyb galeen Xildhibaan cusub, Xildhibaano hore, Siyaasiyiin, aqoonyahano, ganacsato, Odayaasha dhaqanka iyo Haweenka ayaa laga aqriyay taariikh nololeedka Musharaxa.
Ugu horeyn Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay Maxamuud Geeddi Aw-Hilowle oo horay u ahaa Xildhibaan, isagoo sheegay in Soomaaliya u baahan tahay is bedel dhab ah, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay hogaan dalka si cadaalad ah ugu dhaqa dadka Soomaaliyed.
Prof. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Soomaaliya is bedel wanaagsan ku socoto iyo nabad soo bidhaameysa, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in la doorto hogaan daacad ah, isagoo ku sifeeyay musharaxa inuu yahay shaqsi aqoonyahan ah oo ku waxbartay mid ka mid ah Jaamacadaha aduunka ugu caansan ee jaamacada Azhar.
Sidoo kale waxaa Munaasabada hadalo ka jeediyay Prof. C/raxmaan Ibbi, Caasha Axmed Cabdalla iyo Madoobe Nuunow, kuwaas oo taageeray musharaxa cusub, kuna tilmaamay shaqsi is bedel doon ah oo ka mid ah musharaxiinta ugu muuqda.
C/qaadir Cali Cosoble oo khudbadii u dambeysay ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay inuu halku dhigiisa yahay Cadaalad iyo Horumar, isla markaana dalka wax badan ka bedeli doono, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, ganacsiga iyo caafimaadka.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in hadii uu guuleysto uu wax badan ka bedeli doono xaalada dalka uu ku sugan yahay, isla markaana si daacadnimo ugu adeegi doono dalka iyo dadka Soomaaliyed.