Mid kamid ah Xildhibaanada Waqtigooda uu sii dhamaanayo ayaa Caawa shaaca ka qaaday in Odayaal dhaqmeedyo Shabaab ah ay kujiraan Odayaasha Dhaqanka ee loo xilsaaray soo xulitaanka Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamuud Wehliye Waqaa ayaa sheegay in Dowlada KMG ee Soomaaliya ay odayaasha Dhaqanka ee soo Xulaya kusoo dartay Odayaal Al-Shabaab ah oo dambi shacabka ugu galay kuwaa oo uu sheegay in hada loo xilsaaray in uu Baarlamaanka beeshooda soo xulaan.
Waqaa waxa uu Sheegay in Ugaas Cabdi Daahir oo hada matalaya Beesha Ceyr soona Xulaya Baarlamaanka Soomaaliya uu ahaa Nin Shabaab ah Dowladana ay si qaldan Shirka Odayaasha ugu soo dartay isagoo Xusay Ugaas Cabdi Daahir uu ka qeyb galay Tacsidii Osaama Bin Laadin ee AFgooye ka dhacday iyo sidoo kale Heshiisyo uu la galay Al-Shabaab isaga oo lacago ka qaatay matalayana Beesha Ceyr .
‘’Hadii Ugaas Cabdi Daahir oo Shabaab ah soo xulayo Xildhibaanada Beesha Ceyr Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere hasoo xulo Xubnaha Baarlamaanka u matalaya Beesha Murusade ,Kubokudukade isna hasoo xulo Xildhibaanada Abgaal,Fu;aad Shangole isna hasoo xulo Xildhibaanada Beesha Majeerteen ‘’ ayuu yiri Xildhibaan Waqaa.
Xildhibaanka waxa uu sheegay in Markii ugu dambeysay ogaayeen Ugaas Cabdi Daahir oo Shabaab ah ,walina aysan maqlin uu uu ka toobad keenay Dambigiina ama la xiray ama uu cafis dalbaday ninkaasna u oqaansanyihiin in wali uu yahay Nin Shabaab ah.
Hadalka Xildhibaankan ayaa kusoo aadaya xili uu wali muran iyo isqab qabsi badan uu ka dhaxeeyo Odayaal beeleedya iyo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulaya Baarlamanaka Cusub ta aoo ka dhalatay in Beel walbo hesha Xubno muhiim ah hadii ay waayaana ay Warbaahinta ka qeyliyaan.