Raizul Wasaare Gaas oo Si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu Musharax yahay Xaaflad weyna Dhigtay (Daawo Sawirada)

Wednesday, August 8, 20120 comments

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqay Musharaxnimada Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Xafladda Musharaxnimo ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka soo qeybgalay Golaha Wasiiradda, Xildhibaano. Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Siyaasiyiin, Ganacsato, Ururada Haweenka, Saraakiil, Dhalinyaro, Suxufiyiin, Fanaaniin iyo dadweyne kale oo aad u fara badan. Waxaana goobta xafladda lagu soo bandhigay Waxqabadkii Xukuumadda Badbaado Qaran.

Waxaan Goobta ka hadlay Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed kuwaa oo sheegay in Dr Cabdiweli iyo Xukuumadiisa Badbaado Qaran ay wax badani ka badeleen Xaaladda Soomaaliya islamarkaana Rajo ku abuuray Shacabka Soomaaliyeed kadib markii ay la yimaadeen Waxqabad muuqda oo Ummadda Waxtar u leh.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Siyaasiyiin kuwaa oo tilmaamay in Dr. Cabdiweli iyo xubnaha xukuumadiisa Badbaado Qaran ay noqotay xukuumada kaliya oo soo marta Soomaaliya intii ay bur-burka ku jirtay oo u wada shaqaysa si wada jir ah taas oo sabab u noqotay in ay wax wanaagsan ay qabato xukuumadda badabaado qaran.

Xafladda Musharaxnimo ee Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa maanta waxaa si toos ah looga daawanayay Caalamka oo idil iyadoona Xafladu ay aheyd mid si heer saro ah loo soo agaasimay, Waxaana Xaflaadu lagu soo bandhigay Heeso ka turjumeyso Waxqabadkii Xukuumadda Badbaado Qaranka.










Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog