Waxaa goor dhow bilaabatay dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka uu yeelanayo, kaasi oo la wareegay awooda dowladda, xilli maanta ay dhamaatay xilliga KMG ah oo ay ku eg tahay dowladda KMG, waxaana ka socota Garoonka diyaaradaha Munaasabad ballaaran oo ay ka qeyb galeen Mas'uuliyiinta dowladda waqtigeeda sii dhacaya, Xubno ka socda Beesha Caalamka iyo Odayaasha dhaqanka.
Xildhibaanada cusub ayaa qeyb qeyb loo dhaarinayaa, iyadoo la yeerinayo Magacyadooda oo ah qaab Alphabetica ama sida ay isu leeyihiin, iyadoo marka la dhaariyo la bogaadinayo.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka Avv. Ceydiid Ilka-xanaf ayaa dhaarinaya Xildhibaanada oo ku dhaarinaya Kitaabka Quraanka Kariimka oo la soo dhigay goobta iyo Nuqulka Buuga Dastuurka.
Avv Ilka-xanaf ayaa ku dhaarinaya Xildhibaanada inay dalka, Diinta iyo Dadka u hogaansaado iyo Dastuurka dowladda, taasoo ay ku dhawaaqayaan mudanayaasha la dhaarinayo.
Waxaa madasha ku sugan Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Shariif Sheekh Axmed Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobey Mahiga, xubno ka socda Beesha Caalamka iyo golihii wasiirada hore oo qaarkood Xildhibaano ah.
Dhaarinta oo socota xilli lagu jiro Maqribka ayaan la ogeyn inay Xildhibaanada cusub kulan sii yeelan karaan iyo in kale, laakiin waxaa la sheegayaa in Xildhibaanada cusub ay dooran doonaan ninka ugu da'da weyn si uu u shir gudoomiyo kulamada, isla markaana ku dhawaaqo waqiga doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka.
Wariyaha Jowhar.com ayaa sheegaya in Gudoomiyahha KMG ee Baarlamaanka loo dooranayo uu soo magacaabayo Gudiga qaban qaabin lahaa doorashada gudoomiyaha baarlamaanka oo uu iclaamin doono goorta ay dhaceyso.