Deegaano ka tirsan Sh/dhexe iyo Hiiraan oo uu madaxweyne Shariif Sheekh u aqoonsaday degmooyin

Tuesday, August 21, 20120 comments

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa dagmooyin loogu aqoonsaday deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Digreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa dagmo loogu aqoonsaday deegaanka Jameeca Jilyaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe laga bilaabo 16 febraayo sanadkan 2012.


Sidoo kale waxaa dagmo buuxda loo aqoonsaday deegaanka Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan laga bilaabo taariikhda marka ay aheyd 30 june sanadkan 2012.
 
ugu dambeyntii waxaa dagmo loo aqoondasay deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe laga bilaabo taariikhda marka ay aheyd 30 june sanadkan 2012.

Dhanka kale Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka ayaa ugu baaqday hay’adaha dowliga ah in ay dhameystiraan waxyaabaha ay u baahantahay dagmo waliba si loo hormariyo kaabayaasha dhaqaale, amaanka cadaalada iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin bulshada ku nool dagmooyinkaas.


Wareegtooyin hore ugag soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe iyo Bakool loogu aqoonsaday deegaano ka tirsanaa degmooyin kuwaas oo uu ka soo horjeestay R/wasaare Cabdiweli Maxamed Cali .

Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog