Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Maanta Ansixiyey Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka

Tuesday, August 21, 20120 comments

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyey gudiga doorashada gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan ayey Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen xarunta gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho waxaana shir gudoominayey Gudoonka ay sida KMG ah xildhibaannadu shalay u doorteen General Muuse Xasan Cabdulle.

Kooramka kulankii maanta ay Xildhibaannada Baarlamaanku ku yeesheen xarunta gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xiday 184 Xildhibaan waxaana ay cod gacan tag ah ku anxiyeen gudiga doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeennadiisa oo ah xubno ka kooban 15 Xildhibaan.

Magacyada gudiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee ay ansixiyeen Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa kala ah:-

Caasho Xaaji Cilmi
Xasan Macalin Xuseen
Nuur Iidoow Beyle
Maxamed Maxamuud Guure
Sahro Jaamac Cali
Ciise Maxamuud
Maxamed Ismaaciil
Khadiijo Maxamed Diiriye
Caadil Sheegoow Sagaar
Maxamed Warsame
Fowsiyo Maxamed Sheekh
Cismaan Libaax
Sahro C/qaadir
Ciise Maxamed Cali
Feysal Cumar Guuleed

Gudoonka KMGka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u go’aamiyey in 26ka bishan la qabto doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayadoo qabashada araajida musharixiinta u tartamaya xilka gudoomiyenimo ee Baarlamaanka ay ku egtahay 25ka bishan August.

Kulankii maanta ay Xildhibaannada Baarlamaanku ku yeesheen xarunta gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho ayaa soo gebageboobay waxaana uu ahaa fadhiga Labaad eek ala fadhiga koobaad.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog