Waxaa maanta si rasmi ah xilka loogu wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee dagmada Shangaani iyadoo xafladii xil wareejinta aheyd ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyihii hore ee degmada shangaani Ibraahim Maxamed Cumar ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay maanta xilka guddoomiyanimada ee degmadaasi Cali Cumar Abuukar oo loo magacaabay in uu yahay guddoomiyaha dagmadaasi.
Waxaana ka qeyb galay munaasabadii xil wareejinta xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka, saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomihii hore ee degmada Shangaani Ibraahim Maxamed Muqtaar “Babaay” oo kahadlay goobta ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ku wareejiyo xilka guddooomiyaha cusub isagoo tilmaamay markii horaba in ay dowladda u wakiilatay xilkaasi haddana uu si buuxda ula shaqayn doona mas’uulka la magacaabay.
Cali Cumar Abuukar guddoomiyaha cusub ee degmada Shangaani ayaa isna uga mahad celiyay guddoomiyihii hore waxa uuna intaa ku daray inuu si daacad ah ugu adeegi doono dadka reer Shangaani.