Xukuumada Kenya oo sheegay in ay qabsanayso magaalada Kismaayo

Friday, August 10, 20120 comments

Ra'iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in la gaaray waqtigii ay la wareegi lahaayeen magaalada Kismaayo, xilli kumanaan ka tirsan Ciidamada Kenya iyo kuwo Soomaali ay kulaalayaan magaalo xeebeedkaas.

Raila Odinga oo wareysi siiyay Wargeyska Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in qorshahooda yahay in bisha soo socda ay qabsadaan magaalada Kismaayo, waxaana uu xusay in Ciidamadooda qeybta ka ah AMISOM ay ku sii siqayaan.

"Ciidamadeena diyaar garowgii u dambeeyay ayay galeen, hadafkooda waa in dhowaan u dhaqaaqaan Magaalada Kismaayo"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga.

Raila Odinga ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee ka midka ah AMISOM ay wiiqeen inta badan awooda Al-Shabaab, isla markaana ay gaareen deegaano saldhigyo u ahaa oo ay kala wareegeen.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa maalin ka hor duqeeyay deegaan lagu magacaabo Birta-dheer oo qiyaastii 90-KM u jira magaalada Kismaayo, iyagoo todobaadkan gudihiis qabsaday deegaanka lagu magacaabo Biibi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay in dhanka Bariga iyo bada ay uga sii siqayaan magaalada Kismaayo, si ugu dambeyn gacantooda u soo gasho.

Magaalada Kismaayo ayaa ah magaalo Al-Shabaab dhaqaale badan ka soo galo, waxaana hadii laga qabsado ay noqoneysa magaaladii ugu muhiimsaneyd oo ay waayaan.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog