Tuugo Koofur Afrikaan ah ayaa ku dishay Tuulo u dhow magaalada Cape Towwn Labo Ganacsato Soomaaliyed, kuwaasoo horay hantidooda ay uga boobeen burcad iyo shacab reer Koofur Afrika, iyagoo markii muddo 20-cisho kadib oo ay ku laabteen halka looga boobay hantidooda lagu dilay.
Labada Ganacsade oo ahaa Ilmo habreed ayaa dharaar cad la dilay, waxaana Ganacsatada Soomaalida ay ku eedeeyeen Dowladda Koofur Afrika in aysan waxba ka qaban.
Mid ka mid ah Ganacsatada oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilkaas iyo waxqabad la'aanta Ciidamada Booliska dalkaas.
"Waxaan mar walba aad uga xunahay in Ciidamada Booliska aysan wax ka qaban dilka loo geysto Ganacsatada Soomaalida, sidaas ay tahay, Soomaalida waa la dilaa cid daba gasha ama soo qabata ma jirto kooxihii dilka geystay"ayuu yiri Ganacsadaha.
Labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa kordhay dilalka loo geysanayo Ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan Koofur Afrika.