Xukuumada oo xili kama dambeys ah u qabtay Gudiga Farsamada in ay ku soo gudbiyaan Magacyada Baarlamaanka Cusub

Tuesday, August 14, 20120 comments

Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga, Soo xulista Baarlamaanka iyo Arrimo kale.

Ugu horayntii Waxaa Goluhu warbixin ku saabsan dhanka Amniga ka dhageysteen Wasiirka Gaashaandhiga wuxuuna Golaha u sheegay in xaaladda amniga ay marayso meel wanaagsan loona baahan yahay in la sii adkeeyo.


Goluhu isagoo dareensan xaaladda amniga ayaa waxaa la isugu yeeray laamaha qaabilsan amniga sida Booliiska, Nabad sugidda iyo Laanta dambi baarista, waxaana Goluhu waydiiyey su’aalo laamaha amniga iyagoona is dhaafsaday talooyin lagu xoojinayo amniga wuxuuna Golohu hoosta ka xariiqay in amniga gacan bir ah lagu qabto si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.


Waxaa sidoo kale Goluhu farey hay’adaha wada shaqayntu ka dhaxayso laamaha amniga in ay la yimaadaan wada shaqayn joogta ah si loo gacan siiyo lamaha amniga.


Sidoo kale Goluhu waxay warbixin ka dhageysteen Wasiirka Dastuurka iyo Dib-U heshiisiinta wuxuuna ka warbixiya halka uu marayo soo xulista Baarlamaanka iyo dhameystirka marxaladda isbedelka ee hay’adaha dowladda. Warbixinta kadib Goluhu wuxuu isku raacay inay ka go’an tahay in xilligii loogu talagalay in laga gudbo KMG uu ku eg yahay 20, August, 2012.


Wuxuuna Goluhu soo jeediyay in Gudiga Farsamada ee u xilsaaran saxida xubnaha loo soo xulayo Baarlamaanka cusub ay soo gudbiyaan xubnaha Barlamaanka ka hor 15 August si loo bilaabo diiwaan gelinta iyo bixinta Aqoonsiga.


Ugu dambeyntii Goluhu wuxuu isla gartay iyadoo la ilaalinayo dhameystirka Roadmap-ka ee dhinaca dowladd wanaaga, Dib-u heshiisiinta iyo ilaalinta kalsoonida Shacabka ayaa goluhu go’aansaday.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog