Xili Waqtiga u haray Jiritaanka Madaxda Dowlada KMG ee Soomaaliya ee ka harsanyihiin in ka yar 10-Maalin ayaa hada waxaa cirka isku sii shareeraya qilaafka ka dhax taagan Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo Xukuumada uu Hogaamiyo Raizul Wasaare Gaas.
Kadib kulan aan Caadi aheyn ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Xukuumada KMG ee Soomaaliya ayaa lagu weeraray laguna cambaareeyay Tilabooyin dhoor ah uu Madxweyne Sheekh Shariif kaligiis qaaday.
Kulankan ayaan ahaa Mid ilbaabada u xirnaayeen ayna lahaayeen Golaha Wasiirada in kabadan 4-saacadood kuwaa oo intaas lafa gurayay tilabaooyin isbada jog ah uu Madaxweynuhu qaaday mudooyinkii ugu dambeeyay.
Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay in Howlo u gaar ah oo iskiis uu ku hoolan yahay mudooyinkan iyagoona sheegay in Madxweynaha uu qaatay tilaabooyin gaar ah aysan la ogeyn Hay’adaha kale ee Dowlada.
Golaha wasiiradda waxay sharci darro ku tilmaameen go’aan uu dhowaan Madaxweyne Shariif ku dalacsiiyey saraakiil katirsan Ciidamada, waxayna ku sheegeen talaabo uu iska qaaday isaga oo cidna la tashan sida ay sheegeen.
Sidoo kale golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya waxay sharci darro ku tilmaameen soo magcaabista Madaxweyne Shariif ee degmooyin cusub oo uu muddooyinkan kusoo kordhinaayey gobolada dalka.
Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Xuseen Jaahweyn ayaa kulanka ka sheegay in talooyinka uu wado Madaxweyne Shariif ay horseedi kaaran haddii uusan joojin isku dhacyo iyo dhibaatooyin hor leh.
Dhawaan ayey aheed markii Warsaxaafdaeed kasoo baxay Golaha Wasiirada ku qaadaceen Degmooyin cusub uu Magacabay ,Madaxweyne Sheekh Shariif kuna tilmaameen kuwa Sharci daro ah.