Amin Arts oo Sawir layaab leh ka sameeyay Jilaafadii Siyaasadeed ay isku dhigeen Labada Shariif (Daawo Sawirka)

Thursday, September 13, 20120 comments

Kaartoonistaha Caanka ah ee Soomaaliyeed Amin Aamir ayaa sawir kasameeyay jilaafadii Siyaasadeed ay isku dhigeen Labada Shariif ee mar Saaxiibo ahaa balse markii dambe ay Siyaasadu kala geysay.

Shariif xasan ayaa markii hore Hamigiisa ahaa in uu u tartamo Jagada Madaxweyne ee Soomaaliya waxaasa Hamigiisa Jilaafo u dhigay daadkana raacsiiyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka shaqeeyay in Gudoomiye Baarlamaan laga soo dhigo Nin Digil iyo mirifle ah si meesha uga Baxo Shariif Xasan.


Xili madax xanuun uu arintaasi ka qaaday Shariif Xasan ayaa isna ciyaaray Kaarto kale oo Culus uu ku helay lacag badan sidoo kale uu ku lugooyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib markii uu uga baxay balan aheed in uu taageeri doono Codkana siin doono.

Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan ayaa heshiis wada gaaray oo ku aadan in Shariif Xasan taageero Sheekh Shariif ,waxa uuna ku qaatay lacago fara badan arintaasi sidoo kale waxaa loo balan qaaday jagooyin hasa ahaatee sidaa ma dhicin Shariif Xasan markii uu lacagta qaatay ayuu dhulka la gooyay Sheekh Shariif si isaga iyo Sheekh Shariif iyo Gaas dhamaan kaga baxaan Saaxada Siyaasda Soomaaliya si ana looga dambeyn sida hadaba dhacday.








Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog