Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho mid ka mid ah kulamadii ugu dooda kululaa, iyadoo uu ka dooday qodob la xiriiray in Musharax walb uu saxiix ka heysto ilaa 20-Xildhibaan.
Doodan oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa Xildhibaanada ay soo gudbinayeen aragtiyo kala duwan, inkastoo markii dambe cod loo qaaday mid ka mid ah shuruudihii adkaa ee horyaalay Musharaxiinta.
Gudiga doorashada Madaxweynaha ayaa ka hor-jeediyay Xildhibaanada labo qodob oo kala h in Musharaxa uu cod kalsooni ka heysto labaatan Mudan iyo in hal xildhibaan uu kalsooni siin karo saddex musharax, taasoo ugu dambeyn keentay in cod uu u qaado Baarlamaanka.
Ilaa 130 Xildhibaan ayaa u codeeyay in hal Xildhibaan uu soo jeedin karo saddex musharax, waxaana diiday 25-Xildhibaan oo dalbanayay in hal musharax kaliya kalsooni siin karo Xildhibaan, iyadoo uu Hal xildhibaan uu diiday, saddex kalena ay ka aamuseen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in Xildhibaanda intada badan u codeeyay qodobka uu yahay mid ansax ah.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa gudi u saaray muran la xiriira arrintii Hogaamiye kooxeedyadii horay Gudiga Farsamada ay u diideen inay ka mid noqdaan Baarlamaanka, waxaan uu u saaray gudi ka kooban 10-xubnood oo shan ka mid ah ay ka imaanaya shanta beelood, halka shan kalena uu Gudoonka ku darayo.
Lama oga go'aanka baarlamaanka ee ku aadan xubnihii Hogaamiye kooxeedyadii horay loo diiday, iyadoo maanta ay sugayeen in la dhaariyo, balse wali arrintu noqotay mid sii cakiran.