Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka farsiitay sida laga yeelayo shaqsiyaad uu muran ka taagan yahay xubinnimadooda golaha.
Kulan ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, isla markaana uu shir guddoominayay afhayeenka baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa loo saaray guddi ka kooban 5 xubnood, kuwaas oo uu Jawaari sheegay inuu shan kale ku kordhin doono, isla markaana ay ka soo tala bixin doonaan xildhibaannada muranka uu ka taagan yahay.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in xubnahii ay guddiga ogolaadaan ay ku biirayaan golaha, maanta wixii ka dambeeyana aanu jiri doonin muran.