Banaan bax looga cabanayo canshuuro lagu soo rogay Beeraleyda oo saaka ka dhacay degmada Balcad

Monday, September 3, 20120 comments

Boqolaal dadweyne ah oo u badnaa beeraleyda iyo ganacsatada degmada Balcad ayaa saaka dibad weyn waxay ka dhigeen bartamaha degmadaas, kaasoo looga soo horjeedo maamulka gobolka Sh/dhexe ee dowlada Somalia.

Dibed baxan dadka ka qeyb galaya ayaa waxay socod ku soo mareen wadooyinka iyo xaafadaha degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, iyagoo tuuryeynaya goobaha ganacsiga ee shaqeynaya si ay ugu qasbaan dibed baxa iney ku soo biiraan, waxaana ay ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah maamulka gobolka.

Qaar ka mid ah dibed baxayaasha ayaa sheegay iney ka cabanayaan canshuuro xad dhaaf ah oo ay sheegeen inuu beeraleyda iyo ganacsatada degmadaas ku soo rogay bil walba maamulka gobolka Sh/dhexe ee DKMG ah taasoo ay sheegeen ineysan awoodin bixinteeda.


Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog