Dayuuradaha Kenya oo si qaldan u duqeeyey gaadiid ay wateen cidamada DKMG oo marayey Jubooyinka

Monday, September 3, 20120 comments

Dayuuradaha dagaalka dowlada Kenya gaar ahaan kuwa qumaatiga u kaca ee Helicobterska ah ayaa lagu soo waramayaa iney madaafiic la dhaceen ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah iyo kuwa Kenya oo ku sugnaa degaano u dhexeeya Miido iyo degmada Afmadow.

Warkan oo uu faafiyey Press Tv oo laga leeyahay dalka Iiraan oo soo xiganaya saraakiil Kenyan ayaa sheegay in dayuuradaha ay ku qaldameen ciidankaas iyo gaadiid ay wateen ayna u maleeyeen iney yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Tv-ga Press-Tv ee dalka Iiraan ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhinteen in ka badan 50 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada KMG ah, qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen, wuxuuna TV-gu intaas ku daray in warkaas uu ka soo xigtay saraakiil Kenyan ah.

Hase ahaatee saraakiil kale oo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah oo ku sugan gobolada Jubooyinka ayaa qiray inuu jiro weerarkaas, iyagoo intaa ku daray dayuuradaha Kenya ay si qaldan madaafiic ula beegsadeen ilaa afar gaari oo ay wateen ciidamada DKMG ah xili ay marayeen duleedka Afmadow iyagoo mooday iney yihiin xoogaga Al-Shabaab.
 
Saraakiisha ciidamada dowladu waxay intaa ku dareen inuu jiro khasaare aan badneyn oo soo gaaray ciidamadii la socday gaadiidkaas, ayna joogsatay duqeyntas markii ay la xiriireen taliska ciidamada Kenya oo isna ku war geliyey dayuuradahaas qaladka ay sameeyeen.

Dayuuradaha dagaalka Kenya ayaa horey dhowr jeer sidan oo kale si khaldan u duqeeyey gaadiid ay wateen ciidamada dowlada iyo qaar kale xamuul ahaa ayna wateen ganacsato iyo dad shacab ah, kuwaasoo dhamaantood marayey degaano kala duwan oo ka tirsan gobolada Jubooyinka oo xiisado dagaal ay ka jiraan. 



Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog