Beesha Murusade oo door weyn ka ciyaareeysa in ay Farmaajo iyo Shariif Xasan ka mideeyso xaga Siyaasa dda "warbixin Xasaasi ah"

Monday, September 3, 20120 comments

wararka naga soo gaaraya illo lagu kalsoon yahay Caasimada Muqdisho ayaa sheegaya in dhawaanahan ay bilaabeen xulufada Shariif xasan Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka ee iminka khadka siyaasadda ka baxay iyo Musharaxa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa beesha ay xididka la yihiin labadan nin ee (Murursade) oo siyaasaddooda kaalin weyn ka ciyaaraysay iyo  taageerayaasha beesha Murursade ee kala taageersan  labadooda ayaa wada dhexdhexaadin iyo Gorgortan siyaasaddeed oo laysugu soo dhaweeyo.
 
Beesha Murursade ayaa waxaa lagu tilmaama tiirka ugu weyn ee Farmaajo ku taagan yahay maadaama ay yihiin Xidid iyo beeshii markii horreba keentay kuna soo biirisay madasha siyaasadda ka dib markii ay kala ka codsadeen  Madaxweynaha inuu ka dhigo Ra’iisal wasaare  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ka hor intaan loo magacaabin Ra'iisal wasaaraha  rag ay isku dhawaayeen madaxweyna  Farmaajo markaas ma ahayn shaqsi  hore loo yaqaaney dhinaca kalena wuxuu ka mid ahaa taageerayaasha Xulufada Aalasheekh.
Sidoo kale waxa isaguna beryahanba intaan la dooran ka hor Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka  Mudane Jawaari , Gucle iyo gubuxtan siyaasaddeed waday oo kuraas ka raadsanayey beesha Murursade  Shariif Xasan oo isaguna beesha la xidida  asxaab iyo taageerona ku leh , inkastoo Qurba joogta iyo qaar ka mida hogaanka dhaqanka aysan arrintan ku qanacsanayn haddana ganacsatada iyo siyaasiyiinta qaarkood ayaa kuwada inay soo saaraan Madaxweynana ka dhigaan Farmaajo iyaga oo Kuraasta ka dalbaday  uu haysto Shariif xasan inuu ku wareejiyo Farmaajo ka dibna halkaas laba gorgortan oo siyaasadeed sidaa ku suura galaan, labadan kooxood ayaa qolo weliba doonaysaa rabitaan u gaar ah oo danaheeda uga dhex muuqdaan sida Shariif xasan ayaan isagu rajo ka qabin inuu noqdo Ra’iisalwasaare ama Madaxweyne balse Rajada u hartay ayaa ah inuu noqdo Wasiir ka mida xukuumada Soomaaliya ee soo socota haddaba si arrintaasi u suura gasho ayaa waxaa jirta inuu helo Madaxweyne ay isku feker yihiin oo heshiis kala dhexe waana dheeshii uu ku caanbaxay ee uu Shariif Xasan ku soo galay Siyaasada markii danbena ku caano maalay.
Maxay tahay faa’iidada ugu jirta beesha Murursade inay door ka qaadato isu soo dhawaynta labada  Masuul Shariif xasan iyo Farmaajo  arrintaas ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso in  Farmaajo uusan hadda haysan  taageero dhinaca xildhibaanada ah oo keliya  siyaasadiisu tahay mid ku kooban  dad aan hadda waxba u qaban karayn  Farmaajo oo isagu dadka qurba joogta iyo dadka qaarkii taageeraan ayaan hadda haysan kalsooni badan dhinaca 275 xildhibaan marka laga reebo dad yar oo ay isku dhaw yihiin beel ahaan iyo feker ahaan,beesha Murursade ayaa markii hore Siyaasi ka mida ahi hungureeyey Kursiga Gudoomiyaha baarlamaanka ka dib waxaa saluugay dad badan oo ka mid ah beelaha Hawiye oo u aragtay han yari maadaama ay beelaha hawiye haystaan Kaalinta koowaad ama lagu magacaabo beesha koowaad inay dib hankooda ugu celiyaan kaalinta saddexaad.
Haddaba iyada oo beesha murursade ciyaaraysa door siyaasadeed oo mug leh ayay waxay doonayaan inay soo saaraan Musharaxa Farmaajo ka dibna ay helaan Kursiga Ra’iisalwasaaraha,iyo qandaraasyo badan oo ka hirgeli doona dalka mudnaan weyn iyo taageero badan ku yeeshaan siyaasadda.
Beesha Murursade ayaa xiliyadii dowladihii hore ku lahayd mug iyo miisaan culus balse isbedelkii dhacay  dagaaladii Sokeeyey 1992  waxaa lumay miisaankoodii siyaasaddood beesha ayaa waxay isugu lugo duwatay inay mar walba dhinaca bidix iska taagto arrimaha siyaasadeed ee beelaha hawiye ka soo bilow 2004 Codkii uu ku soo baxay Cabdulaahi yuusuf ayaa ahaa Codkii uu helay Maxamed Qanyare afrax oo ahaa siyaasiga iyo hogaanka beesha waqtigaas, waxaa kale oo ay kaalin weyn ka qaateen dagaaladii alshabaabka oo ay siiyeen kooxdan  taageero  badan oo naf iyo maalba leh  ilaa ay kula baxeen(Ansaar) waa sida uu hadalka u dhigay Amiirka Abuu zubey (Axmed godane ) uu bixiyey Ansaarta Alshabaab Beesha murursade ayaa hadda leh Siyaasad ka madax banaan rabitaanka iyo mawqifyada siyaasaddeed ee beelaha hawiye .
Inkastoo Shariif xasan aanu kala jeclayn Musharixiinta oo isaga xidid iyo xigaal midna uusan dan ka lahayn keliya ay u muuqato hankiisa damiciisa iyo rabitaankiisa  oo ah inaanu ka bixin saaxada siyaasada  meeshuu doobana haka soo galee iyada oo ay jiraan heshiisyo hordhaca uu haddaba la soo galay Dowladda Kenya ayaa haddana wuxuu wadaa qorshe uu cid walba oo u fulinaysa damaciisa heshiis kula gelayo waxaa jirta xitaa qorshe u daboolan oo ah haddii uu waayo dhamaan rabitaanadiisa oo doonaya inuu dowlada dhexe  masuuliyad ka qabto inuu  ka noqdo (Farooleha labaad) Maamul goboleedka bay iyo bakool mid cusub ama magacyada hadda jira.
Waxii ka soo baxaya dhexdhexaadinta iyo heshiisyada faraha badan ee is gaashaanbuuraysiga siyaasadeed waan idinla soo socodsiin doonaa saacad walba kala soco warar xaqiiqa ah oo xor shabakada gubtanews.

Xigasho: www.shaaciye.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog