Dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Huwanta iyo Al-Shabaab oo ka socda Jubada Hoose

Monday, September 3, 20120 comments

Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada huwanta iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa si goos goos ah uga socda deegaano ka tirsan Jubada Hoose, iyadoo dagaalada ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka oo taageeraya Ciidamada huwanta.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalada ayaa waxay ka dhacayaan inta u dhaxeysa Afmadow iyo Kismaayo, halkaasoo labadii maalmood ee u dambeeyay isku fara saareen Ciidamada dowladda, kuwa Kenya, Raaskambooni iyo Al-Shabaab.


Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyeen deegaanada Birta Dheer iyo Janaay Cabdalla, halkaasoo diyaaraduhu ay beegsadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen.


Saraakiil ka tirsan Ururka Raaskambooni ayaa sheegay inay qarka u saaran yihiin deegaanka Birta Dheer oo u jirta Kismaayo ilaa 60-KM, isagoo xusay inay la soo wareegeen deegaanada Miido, Harboole iyo deegaano kale.


Dagaaladii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Gobolka Jubada Hoose ayaa ahaa kuwii ugu cuslaa ee soo mara gobolka, tan iyo markii bishii October ee sanadkii hore ay gudaha u soo galeen Ciidamada Kenya oo haatan qeyb ka noqday howl galka AMISOM.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog