Daawo Mucjisadan 'Gabar Dukaneysay oo Salaad uga Baxday Filim Musal sal ah oo soo galay dartiis iyo Sijaayadii oo istaagtay kaligeed

Friday, September 21, 20120 comments

Dalka Ciraaq dhawaan waxaa ka dhacday arin Mucjiso badan oo aad loola yaabay kadib markii gabar u dhalatay Dalkaasi xili ay Salaad dukaneysay uu soo galay Filim Musal sal ay si aad ah u jecleen uguna taxneed kaa oo keenay in ay uga baxdo Salaadii ay dukaneysay una ilowdo Salaadii ay dukaneysay.

Gabadhan ayaana Salaadii ka baxday xili aysan dhameestirin Salaada waxa ayna u deg degtay daawashada Filimka Musal salka ah soo galay ilowsiiyayna waajibaadkii alle iyo Salaadii ay xiligaasi u taagneed.

Marakii ay Salaada ka baxday gabadha ayaa la arkay Sujaayadii oo sameyneysa in ay istaagto sameynaysana dhaq dhaqaaq taa oo dad badan layaab ku noqotay aadna uga fajaceen Mucjisadaas markii ay arkeen.

Dad badan ayaa kusoo uruuray halka ay ka dhacday Mucjisadan laguna arkay Sujaadayada kaligeed Dhaq dhaqaaqeysa oo taagan kadib markii gabadhii ku dukaneesay Sujaayadaasi ay salaada ka baxday markii uu soo galay Filim aay aadkaa ujecleed ee Musal salka ah.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad ugu tixan Filimaanta Musal salka ah ee kasoo gala Tv-yada iyadoona ay dhacdo in marka ay daawanayaan Musal salada iyo Filimaanta kale ay Salaada iyo waajibaadka kale ee saaran ilaawaan waqtigoodana ku lumiyaan filimaanta aan faa'iida u laheyn. 


Halkaan ka Daawo Mucjisada Dhacday









Xafiiska Newbanaadir 
Xasan Maxamed
Oslo - Norway 
xasanyare09@live.com 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog