Daawo Sawirada' Al-Shabaab oo soo Bandhigtay Gaari Dagaal iyo Saanado Milatari oo aad u badan ay Qabsadeen.

Friday, September 7, 20120 comments

Waxaa Maanta Xarakada Al-Shabaab Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose kusoo bandhigeen Gaadiid Dagaal iyo Hub ay lahaayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Gobolka Jubada Joose iyo Ciidamada Kenya eek u sugan Isla gobolka Jubada Hoose.

Shabaab ayaana Meel Barxad ah Saxaafada iyo dadweynaha Reer Kismaayo waxa ay ugu soo bandhigeen Gaari Dagaal oo Nuuca Jeemiska loo yaqaan ay Dagaaladii ugu dambeeyay kusoo furteen iyo Agabyo kale oo milatari sida Qoryo , Booshahsha Qasnadaha la gashto, rasaas iyo alaabo kale ay inta badan Isticmaalaan Ciidamada Kenya.


Goobta Hubka iyo Gaadiidka lagu soo bandhigayay waxaa kusugnaa Boqolaal Dadweyne oo u badnaa Taageertayaal la dhacsan Al-Shabaab kuwaa oo aad u faraxsanaa una jalbeesnaa markii hubka iyo gaarigan Dagaal lasoo bandhigayay.


Hubka Shabaab Maanta soo bandhigeen ayaa iskugu jira kuwa fudud iyo midka culus, Waxaana uu ka kooban yahay hubkaasi Hoobiyeyaal Iyo Rasaastooda aad ufara Badan iyo Qoryaha yar yar sida Faalka ama G3-ga loo yaqaan ee ay Ciidanka Kenya caanka ku yihiin sidoo kale qorayga AK47 oo dhoor xabo ahaa.


Agabkii meesha lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa gaari Nooca Somalidu ay u taqaano Bigfoor ama Jeemis qori Nooca BTM-ka loo yaqaano 2 qori oo RBG-ah.5 qori oo nooca BKM-ka ah qoriga AK47 oo isaguna meesha buuxay Iyo taarar ay ku hadlayeen ciidanka Kenya.


Dhawaan ayey aheed markii Al-Shabaab sidaan oo kale Magaalada Kismaayo ugu soo bandhigeen Meydadka Afar Askari oo Kenyan iyo Soomaali ah kuwaa oo Magaalada ay ku jiid jiideen Al-Shabaab.





















Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog