Daawo Sawirada "Mo Farah oo saxaafada u soo bandhigey gabdhihiisa mataanaha ah magacyana u bixiyey"

Tuesday, September 4, 20120 comments

Orodyahanka Britain balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya Mo Farah ayaa u soo bandhigey saxaafada sawirada gabdhiisa mataanaha ah.

Mo Farah ayaa labada gabdhood u kala bixiyey Aisha iyo Amani. Labadan gabdhood ayuu hore u sheegay in uu u hibeynayo labada biladood ee dahabka ah ee uu ku guuleystey orodadii 5000 iyo 10.000mitir ee tartankii Olombikada magaalada London dhowaan lagu qabtay.


Sidoo kale Mo Farah ayaa dhowaan ku guuleystey tartan kale oo ka dhacay isla dalka Ingiriiska.


Wareysi uu siiyey wargeys ka soo baxa dalka Ingiriiska ayuu ku sheegay in aaminsan yahay in gabdhiisa ay dhaxleen lugihiisa dhaadheer ayna mustaqbalka guul ka keeni karaan orodada.


Tania oo 26 jir ah ahna xaaska Mo Farah ayaa sheegtay in uu ahaa qofkii ugu horeeyey eeqabta gabdhaha ay u dhashay.


Mo Farah oo ku dhashay magaalada Muqdisho ayaa isaga qudhiisa waxa uu mataan la ahaa Xasan Faarax oo ku nool magaalada Hargeysa. 




Shabakada gubtanews 
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog