Xarakada Al-Shbaaab ayaa galabta xukun dil ah waxa ay ku fuliyeen labo Nin ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Rag Jawaasiis ah oo la shaqeenayay Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Dilka Ragan ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo kuyaala Magaalada Baraawe waxaaan halkaasi Shabaab iskugu keeneen dadweyne fara badan si ay marqaati uga noqdaan Dilka labadaasi Nin ay Jawaasiisnimada ku eedeeyeen ku fulinayeen.
Raga ay Shabaab galabta ku toogteen Magaalada Barawae ee Gobolka SH/Hoose ayaa lagu Magacaabi jiray C/naasir Cilmi Cabdi 17-Sano jir ah iyo C/Qaadir Daahir Cismaan oo isna ahaa 20-Sano jir waxa ayna Sheegeen Shabaab ragaan kasoo qabteen Magaalada Muqdisho.
C/naasir Cilmi Cabdi ayey Shabaab sheegeen in laga soo qabtay Xaafad Ceymiska ee Magaalada Muqdisho xili uu ku jiray Fal Basaasnimo ah halka C/Qaadir Daahir Cismaan isna sheegeen in laga soo qabtay Ex-Controol AFgooye xiligaa uu dhibaato iyo dhac ku hayay dad Shacab ah sida ay Shabaab qaadigooda sheegay.
Si kastaba lama oga eedeemaha Shabaab ragaan kusoo eedeeyeen una Dileen waxaana inta badan la tilmaamaa Shabaab dadka ay u arkaan in aysan siyaasadooda tagaeerasaneen dilaan kuna tilmaamaan Jawaasiis cadowgooda la shaqeenaysay.

Shakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews