
Rasmiyan tirada qaraxyada looma xaqiijin karo balse waxaa la
xaqiijiyey iney ahaayeen kuwo ay fuliyeen laba ruux oo qaraxyo lagusoo
xeray kuwaasi oo iyagu isku qarxiyey goobaha ay dadku kaga badnaayeen
maqaayadan oo lagu magacaabo Vilage oo ku dhegan guriga hooyooyinka ee
magaalada Muqdisho.
Dadka goobta ku dhintay waxey tiro ahaan gaarayaan 14ruux ayadoo
dadka goobta ku dhaawacmayna ay tiro ahaan kor u dhaafayaan 20 ruux
waxaana dadka goobta ku waxyeeloobay ku jiray wariyeyaal.
Magacyada wariyeyaasha aynu helnay iney goobta ku geeriyoodeen waxaa
ka mid ah Allaha U naxariistee Liibaan Cali Nuur oo ahaa madaxii wararka
ee Telefishinka Qaranka, Cabdi Sataar Daahir Sabriye oo ahaa Madaxii
Barnaamijyada Telefishinka Qaranka, C/raxmaan Yaasiin oo ahaa
Agaasimahii VOD Radio Xamar.
Wariyeyaasha iyana goobta ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Maxamed
Xuseen Gentelman oo ka tirsanaa Wariyeyaasha ka howlgalla Telefishinka
iyo Raadiyaha Qaranka, Suldaan iyo Shiine oo iyaguna ka wada tirsanaa
Radio Kulmiye iyo C/kariin Guutaalle waxaana dhaawacyadooda lakala
gaarsiiyey isbitaallada Madiina iyo Daarul-Shifa ee magaalada Muqdisho.
Dadka goobta ku dhintay waxey u badan yihiin dad rayid ah oo
maqaayada ka shaahayey kuwaasi oo meydadkooda ilaa hada ay gaadiidka
gurmadka deg dega ah goobta ka daabulayaan.
Arrimaha bulashada Kala soco
www.newbanaadir.com