Farmaajo ‘’Maalinta Isniinta ah waxaa la dooran doonaa Nin Dalka Dhisa ama Bur Biriya nin Fiican ama Nin Xun’’

Saturday, September 8, 20120 comments

Raizul Wasaarihii Xukuumadii TAYO Maxameed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa caawa Khudabad xasaasi ah uu kaga hadlayay wax qabadkiisa hadii lkoo doorto Madaxweyne waxa uu ka horjeediyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Farmaajo waxa uu ku dheeraaday ka hadalka wax qabadkii la taaban karay waqtigii yaraa uu dalka Raizul Wasaare ka ahaa , isagoona xusay in wax badan uu qabtay mudadii yareed uu dalka hayay.


Musharax farmaajo waxa uu xusay in uu dhisay Ciidankii Dowlada intii uu hogaanka hayay ‘sidoo kale Shabaab Magaalada kasaaray xili ay Madaxtooyada ay ku dhawaayeen ,uuna dhisay kaabayashii dhaqaalaha amaanka iyo waxyabao badan aan lasoo koobi karin.


Khudabad Farmaajo oo aheed mid Qiiro badneed qof kasta oo wadani ahna la dhacayay ayuu sheegay Musharaxa in hadii la doorto dalka intii uu horay u qabtay iyo in kale oo kasii badan uu qaban doono ,waxa uuna sameeyay balan qaad tiro badan aan lasoo koobi karin.


‘’Waxaa Xaqiiqa ah markii aan dalka imaanayay oo Raizul Wasaare Noqonayay waxaan la igu wareejiyay Sanduuq faaruq ah ,markii aan baxayayna waxaan ka tagay 7-Milyan iyo nidaam dagsan oo Dowli ah oo lagu shaqeyn karay .


‘’Xildhibaanada Sharfta leh waaa markii labaad aan idinka codsado in aad Codkiina isiisaan mar waxaa ay aheed markii Raizul Wasaarah ahaa ood I ansixineyseen marna waa maanta balanqadakii horana waan ka dhabeeyay tana waan ka dhabeyn doonaa hadii rabi dimo ood idoorataan‘’ayuu yiri Farmaajo.


‘’Maalinta Isdmniinta ah eek u began 10-ka Bisha waxaad kala dooran doontaan Nin Xun iyo Nin Fiican ‘waxaad dooran doontaan Nin dalka dumiya ama nin dalka dhisa ‘waxaad dooran doontaan nin aad u xun ama nin aad u fiican marka kala doorta labadaas ‘’ ayuu mar kale yiri farmaajo


Khudbada Farmaajo oo aheed mid aad u dheereed ayaan kasoo qaadanayay intii ugu muhiimsaneed iyadoona intii uu Khubada jeedinayay ay Xildhibanada sacab u garaacayeen dareenkoodana uu wax badan iska badalay jaceyl ay u qabaan darteeed.
 






Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog