Musharax Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Raga u tartamaya Doorsahada Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa Khudbad aad u qosol badneed jawagii Baarlamaankana wax badan ka badashay ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Cali Jeelle waxa uu ka hadlay Wax qabadkiisa hadii loo doorto in uu Madaxweyne Dalka ka noqdo waxa uuna adeegsanayay Salaad qaab faneed uu Xildhibaanada kaga qoslinayay iyadoona mar qura Madasha Baarlamaanka ay isku badashay Qosol iyo sacab.
Waxa uu si dad badan Salaad Cali Jeelle u weeraray Madaxdii Dowladahii KMG ahaan jiray gaar ahaan tii ugu damb eeysay uu sheegay in aysan wax badan qaban balse ay dhaqaalo badan xadeen ayna jeebka ku gurteen.
Salaad Cali jeelle waxa uu intaa ku daray in uu wax badan ka badali doono Xaalada Dalka Soomaaliya uuna dhisi Doono Dowlad aad u heer sare oo dadka danyarta iyo qof walbo wax u qabata.
Khudbada Salaad Cali Jeelle oo Qosolka Badan oo Qoraal ah ayaan halkana qeyb kamid ah idinkugu soo gudbineynaa.
Waxa ay ku bilaabaneysaa sida Tan
Mudanyaal iyo Marwoodhin dhoor mar hore ayaan rag badan doortay oon iska hor mariyay oon doortay Madaxweynayaal iyo Raizul Wasaarayaal oon islahaa kuwaan aa daacad ahaa oo keeni kara is badal iyo wax qabad ay u baahanyihiin Shacabka Soomaaliyeed ,hasa ahaatee uma dhicin sidaan rabay sidaa darted ayaa igu ka liftay in aan aniga soo roogsado Xilka Madaxweyne.
Aniga waax ogaa waxaas in aan qaban karay hasa ahaatee uyukaan iska hor marihaayay ,21sano kadib maanta oon ka baxanay KMG-nimadii aana galnay Dowlada Rasmi ah waxaa I gashay cabsi ah armaa la waayaa madax daacad ah, sidaa darteed ayaan anigu isku soo istaajiyay madaxweyne si aan Dalka iyo dadka u badbaadiyo ,sidaa aarteed waxaan idinkugu baaqayaa in aadan quusanina oo anaa dalka samata bixin kara ee I doorta .
‘’Hadaba anigoo ah hogaamiye daacad ah qibardna u leh Hoogamin oo umada Soomaaliyeed u keeni kara isbadal ,waxaan isleeyahay waxaad noqon kartaa Hogaamiyihii kasaari lahaa umada Soomaaliyeed musiibadii ku habsatay,Sidaa darted ama sidaa owgeed waxaan idinka codsahaa xildhibaanada in ay codkooda isiiyaan ,maxaa yeelay kii ay u baahnaayeen ayaan ahay anigu .
Walaalayaal iyo Marwooyin aniga waxaan ahay mar kale Salaad Cali Jeelle waan idinkugu celihaa Muwaadin daacad ah oo la yaqaan ,waxqabadkiisa iyo fikirkiisana uu cad yahay ,waxaan ahay Wasiir kuxigeenkii Warfaafinta iyo Hanuuninta Bulshada Soomaaliyeed ,anaa soo nooleeyay Wasaarada Warfaafinta ee hada shaqeeneysa ,waxaan ahay Wasiir kuxigeenkii Gaashaandhiga ee ka badbaadiyay Hay’adaha Dowliga ee maanta la badbaadiyo xili ay adkeed in qof sheegto in Dowlad u shaqeeyo.
Waxaan u codeeyay oon qeyb ka ahaa in Ciidamo kasocda Midowga AFrika dalka yimaadaan waa kuwa hada na ilaalihaa ee irida noo roga ,waxyaabo badan inta ka fikiray ayaan Allready keenay Ciidamada ,kadibna garoonka caalamiga ee Muqdisho kusoo dhaweeyay cutubkii ugu horeeyay ee AMISOM yaa ila sheegan kara taas ilaah aan idinku dhaarshee.
Dad waxuu qabtay ayey dadku faanaayaan Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa Roob Gu da’ay ayaa deero ku faanta ,dadkana deero waaye ane go’ aan dhashay ,maxaa yeelay go ‘aa xoog badan laakin deerto jilibkii horey ku dul shaqeyhee ,mugaas aw cooska ciyoow soo baxaa marka jilibkeyga waaye waxa ay ku faanaayaan.
Mudanayaal iyo Marwooyin anigu waxaan ahay Muwaadin Soomaaliyeed oo wiligiis kabixin dalka gudihiisa kusoo bar baaray dadka danyarta ah dhaxdooda ,waxaan ogahay wax alaale waxa aad adinku rabtiin ,shacabka soomaaliyeed wax walbo aan la qeybsaday marka waan garahaa shacabka danyarta ah waxa ay rabaan laakin kuwaan kale ee sharaxan garan maayaa waa iska socdaan jawiya.
Mudanayaal iyo marwooyin waxaa dhici karta in musharixiinta qaarkood iiga fiicanyihiin amaabulka iyo lacagta baabuurta iyo suugaanta ,laakin anigu ololaheyga waxa uu yahay lacag waa qaadasho codkana waa in aniga la isiiyaa sidaas hala ogaado .
‘’Hadaad I doorataan waxaad heli doonaan waxyaabo badan oo kamid yihiin biyaha oo waxaa la cabaa biyo wanaagsan hadii aniga la I doorto.
Anigu waxaan idinla imid Niyad wanaag iyo bad baadin aan dadkayga bad baadinayo sida aan kor kusoo sheegay ,waxaan ka imid oon u u taaganahay dareen iyo rabitaan dhab ah ,Qaxootiga Dibada jooga dalkana kusoo celiha amaxaa yeelay anigu waan cirib tiara Argagaxisada iyo Burcad badeeda maba igu daahayaan kuwaas .
Ugu Dambeyntii waxaan idinka tuugayaa anigu ma rabo in aan idin dhaho waxaan idinka Codsanayaa anigu waxaan idinka tuugayaa in aad isiisaan codkiina ,waxaana balan qaadayaa in aan idinku caasiheenoo ,arimaha ada kunooshihiina aan ogahayoo Qoyskiina iyo dhulkaad kasoo jeedaan aad igala warameysiin maahee igala warami meesiin guryihiina iyo ilmihiina.
Intaas aya augu muhiimsaneed Qudbadii xasaasiga aheed uu jeediyay Musharax Salaad Cali Jeelle iyadoona Xusid mudan tahay intii Slaada Cali Jeele uu Khudbeenayay Baarlamanaka Xubnihii joogay ee Baarlamanaka iyo Musharixiinta qosol afka ku hayeen
Salaad Cali Jeelle waxa uu Qaban Doono hadii la doorto.
1-Xasilinta Amniga.
2-Hirgilinta Dastuurka Federaalka oo dadweynaha ay u codeeyaan sadax sano kadib
3- Garsoor madaxa banaan oo cadaalad ah
4-Arimaha Bulshada soo celinta Caafimaadka iyo helitaanka Biyo fiican.
5-Arimaha Siyaasada
6-Xiriirka Caalamiga

Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com