Guddiga Doorashada oo rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada Madaxtinimada dalka u dhacdo si nidaam ah

Wednesday, September 5, 20120 comments

Guddiga doorashada ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada madaxtinimada dalka ay u dhacdo si wanaagsan oo nidaam ah.
 
Afhayeenka guddiga doorashada madaxtinimada dalka Xildhibaan Cismaan Libaax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in musharaxiinta isdiiwaangelisay ay gaarayaan in ka badan Sodon laakiin sida uu sheegay uu hal musharax oo kaliya uu shuruudahaasi buuxiyay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maanta iyo barri ay sii kordhidoonaan tirada musharaxiinta isdiiwaangelineysa isagoo xusay in dhibaatada ugu daran ay tahay Baasaboorka Soomaaliga ah oo aysan musharraxiintu inta badan heysan, taasi oo qeyb ka ah shuruudaha musharraxnimada.

Maalinta Jimcaha ayaa la filayaa in musharraxiintu ay hortagaan Baarlamanka si uu midkiiba  mudanayaasha ugu sheego qorshihiisa waxqabadka haddii la doorto.



Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com


Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog