R/wasaare C/weli ayaa xalay kulan casho ah u sameeyay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed iyadoo kulankaasi looga hadlay xuquuqda haweenka.
Kulankaasi oo ay ka qeybgaleen haween ka mid ah Baarlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay wasiirka haweenka iyo daryeelka qoyska Maryan Jaamac Aweys oo sheegtay in loo baahanyahay in aan lagu xadgudbin xuquuqda haweenka Soomaaliyeed iyadoo soo dhaweeysay qorshaha loogu ogolaaday haweenka in boqolkiiba Sodon ay ku yeeshaan Baarlamanka.
R/wasaare C/weli oo kulankaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday mudnaanta haweenka iyo sida xukuumaddiisu ugu dadaashay in ay ka qeybqaataan siyaasadda dalka, isagoo tilmaamay in haweenku ay door muhiim ah ka ciyaareen soo celinta nabadda iyo isbedellada dalka ka dhacaya.
Kulankan caashada ah oo uu R/wasaaruhu u sameeyay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa goob joog ahaa marwada R/wasaaraha oo haweenka ku dhiirigelisay in ay taageeraan cidda xuquuqdooda difaaceysa.
Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
