Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Dhegabadan ayaa ka warbixiyay howl galada ka socda qeybo ka mid ah Gobolka Jubada Hoose, iyadoo Ciidamada huwanta ay u gar-guuranayaan magaalada muhiimka ah ee Kismaayo.
Jen. Dhegabadan ayaa sheegay in qorshaha Kismaayo uu yahay mid la dejiyay, kaasoo uu xusay in ujeedkiisa yahay sidii iyadoo aan dhiig ku daadan loo qaban lahaa.
"Qorshaha Kismaayo waxaa nooga degsan inaan qabano iyadoo aan wax dhiig ah ku daadan, waxaana laga galayaa dhowr jiho waa sidii lagu qabtay Suuqa Bakaaraha oo kale"ayuu yiri Jen. Dhegabadan oo Muqdisho kula hadlay wariyeyaasha.
Mar la weydiiyay saameynta duulaanka ay ku yihiin Kismaayo ku yeelanayaan dadka shacabka ayuu xusay in aanay bartilmaameed u aheyn Shacabka, balse ay Shabaabka doonayaan inay ka saaraan Kismaayo.
Waxaa uu tilmaamay in howl galka uu yahay dhowr weji oo ku socda dhamaan Gobolada dalka, isagoo soo hadal qaaday qabsashadii deegaanada Cisaleey iyo Ceel macaan oo maalin ka hor ay la wareegeen.
Magaalada Kismaayo ayaa xilligan ah magaalada ugu weyn ee Koofurta Soomaaliya kaga sugan yihiin Al-Shabaab, kadib markii gacantooda ka soo baxday magaalooyin badan, iyadoo gulufka ku wajahan magaaladaas uu ahaa mid qalabka warbaahinta ay qeyb weyn oo buun buunin ah ka qaadaneysay.

Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com