Hey'adda Nabadsugida qaranka oo ka warbixisay howl galkii saaka lagu qaaday degmada Xamar Jajab, laguna qab qabtay boqolaal ruux

Thursday, September 6, 20120 comments

Hey'adda Nabadsugida qaranka ayaa maanta ka warbixisay howl galo ballaaran oo saaka laga sameeyay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, kadib markii ay degmadaas hareereeyeen Ciidamada Booliska dowladda, Nabadsugida iyo Booliska AMISOM.

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in howl galkan lagu soo qabtay ilaa 326-ruux, isagoo xusay in howl galka uu bilowday saaka salaadii subax kadib.


"Howl galkan waxaa uu qeyb ka yahay howl galo ka socon doona degmooyinka oo dhan ee Gobolka Banaadir, waxaa bilownay salaadii subax kadib markii xogo aan helnay, waxaa ku soo qabanay 326-ruux, waxaa baaritaan markii aan sameynay 44-qof ka soo reebnay oo ay ku cadahay dambigooda"ayuu yiri Khaliif Axmed Ereg.


Sidoo kale waxaa uu sheegay inay soo qabteen macalimiin caruur yar yar ku tashkiilineysay Masaajidada iyo hub lagu dhex heystay sida uu yiri.


"Waxaa layaab ah in macalimiin ay caruur yar yar tashkiilineysay, waliba bareysay jihaadka, masaajidka ayaa waxaa ka soo qabanay Hub"ayuu yiri Mr Ereg oo ugu baaqay Hooyooyinka inay la shaqeeyaan Ciidamada oo caruurtooda ka ilaaliyaan in loo adeegsado falalka amni daro.


Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ayaa soo dhoweeyay howl galkan, isagoo ku tilmaamay mid muujinaya sugida ammaanka, isla markaana shacabka looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan.


Howl galkan ayaa noqonaya kii u horeeyay nuuciisa oo laga sameeya degmada Xamar jajab, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka jiraan olole siyaasadeed oo xoog leh, isla markaana ay soo dhow dahay doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.




Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog