Waxaa socodo qaban qaabada u diyaar garowga dhageysiga musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyadoona xarunta golaha shacabka ay ku qulqulayaan mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya.
Mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa ay ku qul qulayaan xarunta golaha shacabka Soomaaliyeed halkaas oo ay ka hadlidoonaan ilaa 10 musharax si ay ugu soo bandhigaan waxyaabaha ay qabanayaan hadii ay ku guuleystaan xilka Madaxweynaha dalka.
Goobta ay kadhaceyso dhageysiga musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxtinimada ayaa waxa ay tahay xarunta golaha shacabka Soomaaliyeed waxaana xaruntaasi ku qul qulayo xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, iyadoona amanka goobtaasi si weyn loo adkeeyay waxaa ku sugan goobta ciidamada nabadsugida qaranka, Booliiska iyo ciidamada booliska AMISOM.
Musharaxiinta maanta la dhageysandoono khudbadahooda ayaa waxaa ka mid ah
1 Axmed Ismaaciil Samatar
2 Xuseen maxamuud Jaamac
3 Maxamed Axmed Salaad
4 C/llaahi Axmed Cadoww
5 Maxamed C/laahi Oomaar
6 Shariif Sheekh Axmed
7 c/weli Maxamed Cali “Gaas”
8 Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo”
9 Salaad Cali Jeele
10 Cumar Salaad Cimi
Dhamaan musharaxiintan ayaa goordhow ka hadlidoonto xarunta golaha shacabka si ay baarlamanka ugu soo bandhigaan waxyaabaha ay qabanayaan.
Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com