Daawo Sawirada "Puntland Oo Soo Bandhigtay Rag Kasoo Goostay Al-Shabaabka Galgala"

Friday, September 7, 20120 comments

Wasaaradda amniga ee dowladda Puntland ayaa maanta soo bandhigtay laba dhalinyaro oo kasoo goostay ururka Al-Shabaab ee ku sugan buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda amniga Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed oo shir jara’id maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Boosaso ayaa sheegay dhalinyaradan kasoo goostay Al-shabaab in markii hore la marin habaabiyay.

Soo gooshada dhalinyaradan ayuu ku sifeeyay wasiirku inay timid kadib markii ay garowsadeen  marin habaabintii lagu sameeyay, waxaana uu xusay dhalinyarada kasoo baxsanaya Al-shabaabta ku sugan buuraha Gollis inay ugu wacantahay cafiskii horay uu madaxwaynaha Puntland uu u fidiyay ee ahaa dhalinyarada kasoo baxaya Al-shabaab inay soo dhoweynayaan.

Sharma’arke Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa dhalinta Al-shabaab ee lasoo bandhigay ayaa sheegay, kahor inta uusan ka mid noqon Al-Shabaab ee ku dhuumalaysanaya buuralayda Golis inuu ahaa arday wax ka barta mid ka mid ah goobaha waxbarsho ee deegaanada Puntland, balse markii dambe ay fikir ku shubeen kooxda Al-shabaab xubno ka mid ah, waxaa uu sheegay markii uu garowsaday qaladka uu galay inay danta biday sidii uu dowlada Puntland uu isugu soo dhiibi lahaa.

Maamul goboleedka Puntland oo dagaal kula jirta ururka Al-shabaab ee fariisimaha ku leh deegaanka Galgala 30km koonfur galbeeg uga beegan magaalada Bosaso ayaa horay sidaan oo kalle usoo bandhigay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab.








Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog