Madaxweyne Shariif iyo labo musharax kale oo galabta buuxiyay shuruudihii looga baahnaa

Thursday, September 6, 20120 comments

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta buuxiyay shuruudihii musharaxnimo, iyadoo Foomka uu u gudbiyay gudiga qaban qaabada doorashada.

Gudiga doorashada ayaa maanta sheegay in ilaa shan musharax ay soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, iyadoo ay jiraan musharaxiin qaatay foomamka oo aan wali buuxin.


Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah Xogheynada Madaxweynaha uu galabta u gudbiyay Gudiga codsiga iyo foomkii ay ku qornaayeen shuruudaha, iyadoo xogheynta iyo xubin ay ka wakiil ahaayeen Madaxweynaha.


Madaxweyne Shariif ayaa horay uga dhawaajiyay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha, isla markaana rajeynayo in dib loo doorto, waxaana wadooyinka magaalada ku xardhan sawiradiisa.


Dhinaca kale Gudiga doorashada ayaa sheegay in labo musharax kale ay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa, waxaana ay kala yihiin Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo labaduba ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.


Tirada Musharaxiinta buuxisay shuruudaha ayaa haatan gaaraya ilaa 8-Musharax, kuwaasoo shan ka mid ah saaka Gudiga ku dhawaaqeen magacyadooda oo kala ah Dr. C/raxmaan Macalin Baadiyow, Ra'iisul Wasaarihii hore Dr. C/wali Gaas, Maxamed Cabdullaahi Farmajo, C/waaxid Cilmi Goonjeex iyo C/llaahi Axmed Caddow.


Xubnaha musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa sii kordhaya, iyadoo ilaa iyo haatan ay gudbiyeen ilaa sodomeeyo musharax oo u hanqal taagaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.



Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog