Prof. Cali Maxamed Geeddi "Aniga ma ihi siyaasi la baranayo, waxaa ahay nin xil soo maray waliba xilka ugu dheeraa"

Thursday, September 6, 20120 comments

Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Prof, Cali Maxamed Geeddi oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu ku guuleysto xilka Madaxtinimada Soomaaliya, isagoo ka mid ah musharaxiinta faraha badan ee hanka ugu jira Xafiiska Madaxtinimada Soomaaliya.

Shir jaraa'id oo uu saxaafada u qabtay markii uu soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay farxad u tahay inuu Muqdisho ku soo laabto, isagoo xusay in laga gudbay xaaladihii adkaa ee ay ku sugneyd Soomaaliya.


"Farxad weyn ayay ii tahay inaan Caasimadii dalka imaado, waxaa ognahay in dalkan dowladii Milateriga kadib ay dagaalo badan ka dhaceen, isku dayo badan oo Beesha Caalamka taageereyso ayaa lagu soo dhisay dowlado, oo ay ugu dambeysay Dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum C/llaahi Yuusuf, anigana aan ka ahaa Ra'iisul Wasaarihii u horeysay oo saddex sano u adeegayay shacabka"ayuu yiri Prof, Cali Maxamed Geeddi.


Prof. Geeddi ayaa sheegay in hadii loo doorto xilka Madaxtinimada Soomaaliya uu wax ka bedeli doono amniga iyo siyaasada, isagoo xusay in Xildhibaanada cusub ay ku jiraan kuwii uu horay u yaqiinay.


"Aniga ma ihi siyaasi la baranayo, nin xil soo maray ayaa ahay waliba xilka ugu dheeraa, kalsooni badana ku qabaa Xildhibaanada cusub ayna ka mid yihiin kuwii aan horay u aqaanay, waxay dooran doonaan nin wax ka bedela xaalada dalka"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa Muqdisho ka tagay sanadkii 2007-dii, iyadoo 29-kii October uu isku hor-casilay Baarlamaanka Soomaaliya oo xilligaas ku shirsanaa magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, markii ay is qabteen Madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.


Musharaxiin fara badan oo ahaa siyaasiyiin xilal ka soo qabtay Dowladihii u dambeeyay ayaa u hanqal taagaya xilka Madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo 10-ka bisha ay ku beegan tahay maalinta la qabanayo tartanka doorashada Madaxweynaha.



Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog