Kooxo hubeysan ayaa xalay ka afduubtay hoygiisa oo ku yaala xaafada Black sea oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaaadir mid ka mid ah odayaashii dhaqanka ee soo xulay dhowaan xildhibaanada baarlamanka cusub ee Somalia.
Oday dhaqameedka la afduubtay oo magaciisa la yiraahdo Suldaan Cusmaan Cadaawe ayaa sida xubno ka tirsan qoyskiisa ay sheegeen waxa xalay hoygiisa ku weeraray illaa afar nin oo ku hubeysnaa bastoolado iyo qoryo, kuwaasoo kaxeystay iyagoo jir dil xoogana u geystay.
Cabdi Xaanshi C/salaan oo ka mid ah ehelada Suldaanka la afduubtay ayaa sheegay iney aad uga walaacsan yihiin xaalada oday dhaqameedkaas iyo halka uu ku dambeeyey, isagoo ugu baaqay laamaha amaanka dowlada KMG Somalia iney gacan ka geystaan sidii loo soo heli lahaa.

Lama oga illaa hadda waxa ay ahaayeen kooxaha afduubtay iyo sababta ay afduubteen, wararka qaar waxay sheegayaan in raga afduubtay ay ka tirsan yihiin xoogaga Al-shabaab, halka warar kalena ay sheegayaan in afduubkuiisa ay ka dambeeyeen rag beeshiisa ka tirsan oo saluugsan sida uu u maamulay xildhibaanada uu soo xulay.
Waa markii ugu horeysay ee la maqlo afduub magaalada Muqdisho loogu geystay mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka, tan iyo intii howlaha soo xulista xildhibaanadaas ay dhamaatay dhowaan, baarlamankuna uu gudo galay howlihiisa.
Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com