Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa kordhiyay baro-bagaanada ay u isticmaalayaan qabashada Magaalada Kismaayo, iyadoo warbaahinta dalkaas iyo kuwa Caalamiga ay siinayaan wareysiyo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Afhayeenka u hadlay Wasaarada Gaashaandhiga Kenya oo lagu magacaabo Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in xilli dhow ay gudaha u geli doonaan magaalada muhiimka ah ee Kismaayo.
"Waxaan ku rajo weynahay inaan xilli dhow gudaha u galno magaalada Kismaayo"ayuu u sheegay Col. Oguna Laanta Afka Sawaaxiliga ee BBC-da.
Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay inay ka dambeeyeen duqeyntii loo geystay magaalada Kismaayo 1-dii bishan ilaa 3-dii bishan, isagoo xusay in maraakiib ay leeyihiin ay bartilmaameedsadeen Dekeda.
Waxaa uu sheegay in duqeyntaas ay qeyb ka tahay duulaanka ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada Kismaayo.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jirtay magaalada Kismaayo barakac ballaaran oo ay sameynayeen dadka ku nool, markii ay sii korodhay duqeynta lagu bartilmaameedsanayo magaalada.
Ciidamada huwanta ayaa doonaya in saddex jiho ka weeraraan magaalada Kismaayo, kuwaasoo kala ah Badda, Cirka iyo Bariga.
Magaalada Kismaayo ayaa ah magaalada ugu weyn ee ay Al-Shabaab ka taliyaan ee Koofurta Soomaaliya.

Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com