Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta billaabaya qabashada araajida musharraxiinta u tartamaya qabashada xilka madaxweynenimo ee dalka.
Afhayeenka guddiga doorashada Cismaan Libaax Ibraahim oo wareysi siiyay Warbaaxinta ayaa sheegay in maanta illaa iyo lixda bisha ay socon doonto qabashada codsiyada musharraxiinta oo subax walba furmi doonta 09:00 AM arroornnimo illaa 05:00 PM galabnnimo.
Cismaan Libaax ayaa sheegay in uu jiro shardi kale oo muhiim loo arkay oo lagu daray shuruudihii hore, kaas oo ah in musharrax kasta uu haysto dhalasho ama baasaboor Soomaali ah.
Dhinaca kale, afhayeenka guddiga doorashada ayaa faah-faahin ka bixiyay sida la isu waafajinayo qodobbo dastuuri ah oo mid ka mid ah ka hadlaya in musharrax kasta ay soo jeediyaan 20 mudane iyo qodob kale oo dhahaya waa in doorashadu noqotaa qarsoodi.
Cismaan Libaax mar uu ka hadlayay sida la isu waafajinayo labadaas qodob ayaa waxa uu sheegay in 20-ka mudane ee soo jeediya musharraxnnimada uu liiskooda ku koobnaan doona guddiga doorashada oo aan la iclaamineyn.
