Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya laguna faafiyay Faafinta Rasmiga ah ee Dowlada ayaa Degmooyin rasmi ah waxaa loogu aqoonsaday Deegaanada Wabxo iyo Derri oo katirsan Gobolka Galgaduud.
Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa dagmooyin loogu aqoonsaday deegaanka Waxbo oo ka tirsan gobolka Galgaduud taariikhdu markii ay aheyd 16/7/2012.
Sidoo kale wareegto kale oo ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Shariif ayaa waxaa dagmo loogu aqoonsaday deegaanka Derri oo hoos imaata isla gobolka Galgaduuda taariikhdu markii ay aheyd 16/7/2012
Wasaarada Arimaha Gudaha ayaana Degreetadan kasoo baxday Madaxweynaha Faafisay Waxa ayna Hay’adaha Dowliga ugu baaqday in si deg deg ah u hormariyaan Adeegyada Dowliga ah ee u baahantahay Degmooyinkaasi la magacaabay.
Shacabka kasoo jeeda Deegaanada Degmooyinka laga dhigay ee kusugan Dal iyo Dibad ayaa aad usoo dhaweeyay Magacaabista Degmooyinkaasi ay tilmaameen in mar hore u qalmeen hadana ay uga mahad celinayaan Dowlada uu Hogaamiyo Sheekh Shariif oo Degmooyinkaasi magacaawday.