Qaban qaabada u dambeysay ee Aaska Ra'iisul Wasaarihii hore Itoobiya oo ka socota Addis Ababa

Saturday, September 1, 20120 comments

Qaban qaabadii u dambeysay ee Aaska Ra'iisul Wasaarihii hore Itoobiya Meles Zenawi ayaa ka socota magaalada Addis Ababa, iyadoo maalinta berri oo Axad la aasi doono meydkiisa oo muddo labo todobaad yaala Qasriga Madaxtooyada.

Fagaaraha Masqal ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa maanta isugu imaanaya kumanaan ruux oo ka kala socda Qowmiyadaha Itoobiya, sida Qowmiyada Oromada, Amxaarada, Gambeelaha, Cafarta, Soomaalida deegaanka Itoobiya.


Wasaarada Warfaafinta Itoobiya ayaa sheegtay in maalinta berri ay ka soo qeyb geli doonaan Aaska Ra'iisul Wasaarihii hore ilaa 600-wafdi Caalamka ka socda, waxaa ka mid ah 19-Madaxweyne Afrikaan ah, 2-Ra'iisul Wasaare iyo wafuud ka imaaneysa dalalka reer Galbeedka sida Mareykanka.

Hab maamuus ayaa loo sameynayaa ka hor inta aan la aasin, iyadoo maalmihii Meydkiisa uu yaalay Qasriga Madaxtooyada ay booqanayeen dad fara badan oo ku dul barooranayay, kuwaasoo sawirkiisa sitay.

Sawiradiisa ayaa la ag dhigay shumac, waxaana ay dowladda Itoobiya furtay Buuga Tacsida ah oo dadka ay ku qorayeen tiiraanyada loo muujinayo geeridiisa.


Ra'iisul Wasaarihii hore Itoobiya Meles Zenawi ayaa ku geeriyootay Isbitaal ku yaal magaalada Brussules ee dalka Belgium 21-kii bishii hore, kadib xanuun muddo hayay, Meles ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah Hogaamiyeyaasha ugu quwada weynaa Afrika.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog