Madaxda iyo shacabka dalka Australia ayaa waxaa la sheegay inay caro weyn ka muujiyeen islamarkaana ay ku tilmaameen inuu yahay meel ka dhac iyo gaf weyn hadal kibir iyo jees jees ah oo dhawaantaan ka soo yeeray haweeneyda aduunka taajirsan oo iyadu u dhalatey dalkaas Australia.
Haweenydaan oo lagu magacaabo Gina Rinehart oo 58 sano jir ah islamarkaana ah haweeneyda ugu taajirsan aduunka una dhalatay dalkaas Australia ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan hadal ay ku qortey wargeys ka soo baxa dalkaas uu ka careysiiyey dhamaan dadka reer Australia islamarkaana ay ku tilmaameen inuu ku yahay meel ka dhac, haweeneydaan oo la hadleysay dadka ka xun ama ka maseersan dadka taajiriinta ah sideeda oo kale waxay hadalkeeda ku sheegtay inay iska dhaafaan calaacalka oo ay shaqeystaan, islamarkaana ay sidoo kale ay joojiyaan cabitaanka qamriga iyo sigaarka iyo baararka ay tagaayaan iyo been beenta ay ku nool yihiin oo ay noqdaan kuwa shaqeysta si ay taajir u noqdaan, iyadoona walibana intaas raacisay inaysan jirin cid gaar ama si gooni ah u leh taajirnimada ee ay tahay mid cid walba u furan hadii uu si adag u shaqeysta, Sidoo kale ayey haweeneydaan waxay tiri in la dhimo lacagta ceyrta ah ee la siiyo dadka taas oo ay ku tilmaantay inay keeneyso ma shaqeystanimo oo hadii la dhima lacagtaasna ay dadku u kici lahaayeen inay shaqeystaan.

Ugu dambeyntiina iyadoo hadalka ka soo yeeray haweeneydaas ay ka careysiiyey dad badan oo reer Australia ah kuna tilmaamay mid jees jees ah ayaa wasiirka maaliyada iyo lacagta ee dalkaas Wayne Swan waxaa uu hadlkaas ku sheegay inuu yahay mid meel ka dhac ku ah malaayiin Australian ah oo si adag u shaqeysta maalin walba islamarkaana bixiya canshuurta dalkaas, sidoo kale waxaa hadalkaas ku tilmaamay mid aan wanaagsaneyn ra'iisal wasaarihii hore ee dalkaas Australia Kevin Rudd, iWasiirka caafimaadka ee dalkaas haweeneyda lagu magacaabo Tanya Plibersek waxay kula talisay haweeneydaas bal inay tijaabiso inay iyadu marka hore ku noolaan karto lacagta ceeyrta ah inta aysan dhihin ha la dhimo lacagtaas, Laakiin arinta la yaabka ah ayaa waxay tahay inay haweeneydaan ay ayadu qudheeda lacagta ay ku faaneyso qiyaastii kor u dhaafeyso ilaa iyo aysan shaqeysan oo ay tahay mid ay dhaxal ahaan u heshay.
Hoos ka Daawo Naagta Taajiradda ah ee Laga Xanaaqay