Labo nin oo ka tirsan qolooyinka dadka ka Qosliya ee Just for Laughs ayaa waxeey ka yaabsadeen dad fara badan ka dib markii ay gaari u soo dhiibeen Eey looga dhigay dadka wadada maraya inuu Gaariga isaga waday.Eeygaan ayaa Isteerinka gaariga ag taagnaa balse waxaa Shukaanta gaariga iyo Rimuudka hagayay nin is qariyay .
Dadka wadada marayay ayaa afka gacmaha saartay markii ay arkeen Eey gaari iskala dhex mushaaxaya Wadooyinka kuwaas oo u qaatay in arintu sax tahay.
Mid ka mid ah raga la shaqeenayay ninkii Gaariga Eeyga hagayay ayaa waxa uu u soo dhawaaday Eeyga wuxuuna u tilmaamay wado uu raadinayay Eeyga balse dadkii arkay Eeyga oo gaari wato waliba wado loo tilmaamayo ayaa mar quraa waxay gacmaha saarteen afka.
Waa arin aad u yaab badan oo aad la fajici leheed hadaad aragto Eey gaari wata oo hadane loo tilmaamayo Wado uu raadinayay waana qasab qof kasta oo beniaadan ah inuu arintaan ku soo baraarugi lahaa.
Halkaan ka Daawo Eey gaari shaqo wato oo Wado loo tilmaamayo