Shacabka Ku Nool Dagmada Maxaas Oo Soo Dhoweyay Howlgalka Ay Wadaan Ciidamada Dowladda

Saturday, September 8, 20120 comments

Shacabka ku nool dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa si diiran u soo dhoweyay howlgalada ay ciidamada dowladda ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi iyadoo saraakiisha ciidamada ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan looga xoreynayo shabaab deegaanada yar oo ay ku harsanyihiin gobolkaasi.

Dadka ku nool dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa soo dhoweeyay howlgalka ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan gobolkaasi xili ciidamada ay saacadii la soo dhaafay ay howlgal lagu baacsanayo haraadiga shabaab ay ka samayeeneen deegaanno ku dhow dagmada Maxaas.

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa howlgalka ka socdo gobolka hiiraan ayaa sheegay in maalmaha soo socdo ay gaaridoonaan dagmooyinka Buulabarde iyo Jalalaqsi halkaas oo ay ku sugan yihiin al-shabaab ku jabay dagaalada ka socda gobolada Koonfureed ee dalka.

Dhowaan ayey aheyd markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta dagmada Maxaas halkaas oo ay ka sareen kooxda shabaab.




Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com

Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog