Taageerayaasha Madaxwayne Sheekh Shariif oo loo fasaxay si bilaash ah in ay uga cunteynayaan25 Makhaayadood oo ku Yaal Muqdisho

Saturday, September 8, 20120 comments

Guddiga u qaabilsan ololaha doorashada Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa bilaabay ololihii ugu ballaarnaa oo dadka ay ku soo jiidanayaan, waxaana si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxayna guddiga ay soo bandhigeen qorshe yaab leh oo dadka lagu soo jeedanayo..

Arinta la yaabka leh ayaa ah in gudiga u qaabilsan dhanka Ololaha Madaxweyne Sharif ay soo hindiseen in laga bilaabo saakay ay taageerayaasha madaxweynaha si bilaash ah uga cunteynayaan maqaayado gaaraya 25 kuwaas oo ku yaala magaalada Muqdisho.


lolaha Shariifka mudooyinki danbe wuxuu ahaa mid si aad ah uga socday Muqdisho gaar ahaan muuqaalka sawiradiisa iyo fariimo oranaya aan doorano Sharif Sheekh Axmed iyo eray kale.


Waxa kale oo si weyn Sheekh Shariif ololahiisa uu uga muuqday marka uu magaalada imaanayo oo uu kasoo laabanayo dibada markaas oo soo dhaweyntiisa lagu soo daro boorar iyo sawiradiisa ku aadan doorashada.


Maanta ayaa lagu wadaa madaxweynaha inuu qudbadiisi ugu danbeysay ee uu ku aadan ololahiisa doorashada ka horjeedo aqalka baarlamaanka Soomaaliya, kadib marki lagu daray 10-ka mudane ee maanta hor tagi doonto baarlamaanka.
 




Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com

Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog