Tobanka Musharax ee u taagan xilka Madaxweynaha oo haatan Khudbado ka hor jeedinaya Baarlamaanka

Saturday, September 8, 20120 comments

Waxaa haatan socota Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya, kaasoo ay uga hadlayaan waxqabadkooda hadii la doorto, iyadoo Musharaxiinta uu mid walba ka hadlayo doorkiisa siyaasadeed ee ku aadan hadii la doorto waxyaabaha uu qabanayo.

Kulanka ay leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay Khudbadaha ku dhageysanayaan ayaa waxaa xaadir ku ah 10-ka Musharax ee maanta loo qorsheeyay inay Baarlamaanka hor-yimaadaan, waxaana Kulanka uu ka socda Xarunta Golaha Shjacabka.


Inkastoo uu galabta bilowday kulanka Baarlamaanka, maadaama ay aheyd maalinimo jimco ah, ayaa salaada jimcaha awgeed loo gaarsiiyay ilaa galabnimada.


Siyaasiga C/llaahi Axmed Caddow oo horay labo jeer oo hore ugu guuldareystay Musharaxnimada Madaxweynaha ayaa haatan wada Khudbadii afaraad ee Musharaxiinta.


Musharax kasta ayaa heysta ilaa 20-daqiiqo oo uu ku soo koobayo waxqabadkiisa iyo siyaasada inta uu ku soo jiray, waxaana uu sheegayaa in hadii la doorto inuu arrimaha dalka wax ka qabanayo.


Khudbada u horeysay ayaa waxaa bilaabay Prof. Axmed Ismaaciil Samat, waxaa ku xigay Xuseen Khaliif Jaamac iyo Maxamed Axmed Saalad.


Waxaa dhiman Khudbadaha ay jeedinayaan ilaa lix musharax kale oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaarayaashii hore iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.


Khudbada sida gaarka ah loo sugayo ayaa ah Khudbadaha ay jeedinayaan Madaxweyne Shariif, Ra'iisul Wasaarihii hore C/wali Gaas iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.


Qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa si toos ah u tabinaya, sidoo kale Telefishinada ku hadla Afafka Soomaaliga ayaa iyana si toos u tabinaya muuqaalka Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta.


 



Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com

Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog