Top Romantic:Dadka u dhashtay dalka Ingriiska oo jaceyl in ay suuliga kula qubeestaan lamaana yaashooda

Thursday, December 13, 20120 comments

Waligaa maku fikirtay in aad isla qubeesataan xaaskaaga? Masa waxaa tahay qof xishood badan? Niyada maku heesaa in aad mar uun qubees wada jir ah isla sameesan lamaanahaaga? maxaa ka dhalan kara qubeeska wada jirka ah?

Radox Shower Gel oo ah shirkada daraasataan cusub sameesay oo lagu soo daabacay  daraasada ay sameesay website ka http://girliegossip.com, ayaa sheegtay in lamanaayasha is qaba ee dalka Ingriiska ay aad u jecel in ay si wada jir ah u wada qubeestaan xiliga aroortii hore ah, daraasada ayaa sheegtay 79% dadka wadanka Ingiriiska ay si wada jir ah u qeebeestaan waa kuwa lamaanayaasha ah, 19%  oo kamid ah 79% dadka aan kor ku soo xusnay ayaa sheegay in markasta ay si wada jir ah u sameeyaan qubeeska ay ka dhigteen caado joogta, dadkaan laga qaaday daraasada ayaa sheegtay in qubeeska sida wajirka loo sameeyo ay tahay wax aad u fiican kana dhigaya nolosha mid romantic, dadka reer Ingriis ayaa ugu yaraan hal mar isbuucii sameeya qubees wada jir ah.

5tii qof hal kamid ah dadka Ingriiska ayaa sheegay in uu aad uga xishoonaya in uu la sameeyo qubees ama si wada jir ah uwada galaan suuliga.

Nick Wilcher oo ah  Manager Marketing Radox Shower Gel ayaa sheegay in daraasada ay sameeyeen ay muujineeso in dadka reer Ingriis ay aad u jecel yihiin qubeeska la isla qaato sida wajirka, qubeeska aroortii hore ah waan kan ugu fiican.

Daraasadan ayaa ka dhigeeso in dadka reer Ingiriis ay aad uga duwanyihiin dad yowga caalamka, inkastoo dadka lagu beeray xishood iyo kala qarsashada coorada hadane dadka reer Ingriis waa kuwa aad u xiiseeya qubeeska wada jirka.











Canab Xasan 
Xafiiska Newbanaadir 
New York - America 
canabxasan09@hotmail.com  
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog