Fanaanada Codka Macaan Fartuun Cumar oo ka xanaaqday heesteeda oo la qaaday

Wednesday, December 12, 20120 comments


Fanaanada Caanka ah ee Fartuun Cumar oo la hadashay warbaahinta ayaa ka warbixisay in ay aad uga xuntahay Hees ay iyadu leedahay oo ay u soo qaaday Ammina Dhool iyadoo aa ka amar qaadan, heestaasi oo lagu magacaabo (Gacan qaadka ii dhiib) oo Kamid ah heesaha sida aad loo jecel yahay oo ay qaday fanaanada weyn ee Fartuun Cumar.
Fartuun Cumar ayaa sheegtay in hestaasi uu miraheeda leeyahay Abwaan Siiciid Sheekh Abuukar Ika Jiir isla isaga uu laxanka heesta sameeyay , Musigana waxa ayna sheegtay in uu saaray Mohamad Karaama , Dhanka kale waxa ay sheegtay in wax laga xumaada ay tahay in Aamina Dhool ay sheegata heesta oo ay horay ugu luuqeysay Fanaanada Fartuun Cumar.
Waxa ay sidoo kale sheegaty in ay aad ugu xuntahay in heesta ay sheegatay Aamina Dhool ,iyadoo intaa ku dartay in ay fananaada Aamina Dhool ay wax codsi aysan ka heeyn oo ay iska qaaday heesta isla mar ahaantaan si Video ah u soo duubtay oo ay sheegatay.
Ugu danbeeyntii eedeeynta Fartuun Cumar ayaan aheeyn tii ugu horeeysay ee fanaaniinta dhax marta , waxaana inta badan jira heeso ay qaadaan fanaaniinta cusub kuwa oo sheegatay in ay leeyihiin balse marki labaaro ay soo baxdo in fanaan kale horay ugu luqeeyay ama abwaan kale uu sameeyay oo miraha laga xaday oo uusan laheen abwaanka fanaanka heesta sooqaaday uu sheego..













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog