War Deg Deg ah:Murashax C/raxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka harey tartanka Madaxweyananimada Somalia ee 2012

Saturday, September 8, 20120 comments

Wararkii ugu danbeeyey ee ka imanaya Magaalada Muqdisho ee la xiriira tartanka madaxnimada dalka Soomaaliya ayaa shegaya in mid ka mid ah murashixiinta u taagnaa xilka madaxanimada uu ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka.

Murashaxan oo ah C/raxmaan C/shakuur warsame oo horeyna u ahaa wasiirkii qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga ayaa lagu soo waramayaa inuu si rasmi ah ugu wargaliyey gudoonka Baarlamaanka inuu ka baxay tartanka madaxnimada ee hadda socota.


C/Shakuur ayaa horey ooga mid ahaa 25kii murashax ee gudiga doorashada maxweynuhu sheegeen inay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahna. Si rasmi ah looma oga sababta ku qasbay inuu tanaasulo isagoo ku qornaa maanta oo sabti ah inuu ka hor qudbeeyo xubnaha baarlamaanka cusub si uu ugu sharxo barnaamijkiisa siyaasadeed.


Arintan ayaa waxaa laga yaabaa inay jidka u furto in iyana ku dhawaaqaan tanaasulkooda rag kale oo ah kuwa u taagan xilka madaxweynanimada dalka Soomaaliya inta ka horeeysa maalinta Isniinta ee bishu tahay tobanka, markaas oo ay dhici doonto doorashada madaxweynuhu.


 

Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com

 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog