Daawo Sawairada ‘’Kulan lagu taageerayay Xildhibaanad Naciimo Maxamed Gacal oo Maanta Muqdisho lagu Qabtay

Saturday, September 8, 20120 comments

Waxaa Maanta Kulan Balaaran oo si weyn loo soo agaasimay laguna taageerayay Xildhibaanad Naciimo Maxamed Gacal oo kamid ah Baarlamanaka Cusub ee Soomaaliya lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Qeybaha kala Duwan ee Beesha Daguuro oo kamid ah Beel Weynta Murusade waxa ayna kulnakooda ay ku taageerayeen Xildhibaanad Naciimo Maxamed Gacal oo uga mid noqotay Baarlamaanka Soomaaliya.


Kulanka waxa goob joog ahaa Khudbado kala duwana ka jeediyay Odayaal ,Culumaa’udiin ,Aqoonyahano Siyaasiyiin ,Saraakiil ,Dhalinyaro iyo Haween kuwaa oo dhamaan ku abtirsada Beesha Dgauuro waxa ayna aad u tagaeereen Xildhibaanad Naciimo Maxamed Gacal.


Aqoonyahnanada kulanka ka hadlay waxaa kamid ahaa Eng Yuusuf Xasan Bool (Yuusuf Cirro) Al-Ustaad Muxudiin Siyaad Dhaga Weyne waxa ayna sheegeen in Xildhibanadaa da’yar ee Naciimo oo ah Aqoon yahan Da’yar in ay aad u taageerayaan ilaahna uga baryayaan in Waajibaadka Qaran ee Saaran la garab galo .


Waxaa sidoo kale Kulanka ka hadlay Odayaal ay kamid ahaayeen Nabdoon Xasan Faaiid oo ahaa Curudka Beesha Daguuro kana mid ah Odayaasha Beesha iyo Nabdoon Xujaale Jiisow waxa ayna iyaguna sheegeen in Xildhbaanad Naciimo ay ayidayaan kuna faraxsanyihiin in Xubintooda Baarlamaan ee Beesha u matasho kana sugayaan wax qabad wanaagsan oo dalka iyo dadka anfaca.


Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Howl-wadaag Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo sheegay in Xildhibaanad Naciimo Maxamed Gacal ay soo doorteen iskana soo dhax xuleen Beesha Daguuro ay ka dhalatay ,waxa uunta intaa ku daray in Xildhibaanada tahay Gabar da’yar balse aqoon duruq san iyo maskax badan leh , una muuqato gabar wax badan u tari doonto Umada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Dadka ay matasho ,waxa uuna kula dar daarmay in dadaalkeeda kordhiso.


Ugu Dambeyntii waxaa kulamnka soo xirtay hadal koobana kasoo jeedisay Xildhibaanad Naciimo Maxamed Gacal oo aad uga mahad celisay Bulshadii kasoo qeyb gashay kulankii lagu taageerayay iyadoona Balan qaaday in ay u istaagi doonto helida nolol iyo nabad iyo aqoon Bulshada Soomaaliyeed kuna baaqday in Bulshada guud ahaan ahaadaan kuwo isku duuban.



















Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com
 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog